Toddoba qodob oo MUHIIM ah oo DF SOOMAALIYA dib loogu habeynayo

Markii la soo dhisay Dowladda Federaalka muddo haatan laga joogo dhowr iyo Toban Sano wali ma muuqato dowlad leh Haykalkii iyo Haybaddii lagu yaqiinay dowlad, Waxaana tusaale u ah xaalka uu Wadanku marayo haday ahaan lahayd dhinacyada Amniga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Dowladi waxa ay dowlad ku tahay waa in ay leedahay Haykal iyo Haybad dowladanimo,haddii la waayana meeshaasi dowladi kama jirto,haddii la rabo wax hala iska sheegto,Waana sababta igu kaliftay inaan Maqaalkan qore talona ka geysto sidii loo heli lahaa dowlad rasmi ah oo u qalanta Umadda Soomaaliyeed.Bal aan ka hadlo Dowladda Maanta jirta.

Dhinaca Haykalka

Markii lasoo dhisay Baarlamaanka hadda jira sidoo kalena la soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la filaayey inuu dhaco isbadal ballaaran oo xowli ku socdo maadaama laga baxay Ku-meelgaarkii laakiin waxaa muuqaato in isbadalkii la filaayey uusan dhicin.halkii Sano ee meesha la fadhiyeyna waxaad mooddaa in lagu dhameysatay dibad wareeg iyo Idaacad iska xayeysiin.

Dowladda dhowr iyo Tobanka Sana jirtay maanta ma lahan Wasaarado si fiican u dhisan oo leh wixii ay Wasaaradi u baahneyd haday ahaan lahayd xaruntii lagu shaqeynayey iyo Shaqaalihii aqoonta u lahaa shaqada la qabanayey.Anigu kama hadlayo Wasaarad magac u yaal ah iyo Wasiir cheap ah.

Sidoo kalena Dowladdu ma lahan Ciidamo Qaran oo leh astaantii lagu yaqiinay ciidan, kuwaas oo hanan kara amaanka Dalka,kama hadlayo Maleeshiyo beeleed huwan magac dowladeed sida kuwa jooga Muqdisho,Shabeelada Dhexe,Shabeelada Hoose,Baay/ iyo Bakool,Gedo,Jubooyinka,Hiiraan iyo Galgaduud.

Waxaa sidoo kale aan jirin Af-hayeeno ay leeyihiin Wasaaradaha qaar sida Wasaaradda Gaashaandhigga,Arimaha Dibadda,Arimaha Gudaha iyo Boliiska,waxaana shaqadii Af-hayeenadaasi qaatay Wasiiraddii kuwaas oo maalin kasta aad arkayso Iyagoo ka qeyb galayo doodo aan ku habooneyn qof Wasiir sheeganayo.

Ma jiro Garsoor dhisan haddii uu dhisan yahayna waa mid daciif ah, Sidoo kalena kama wada jiro dhamaan Gobolada hoos yimaado Dowladda,waxaa sidoo kale aan jirin Wakiilo ay leeyihiin Wasaaradaha oo ka shaqeeyo Gobolada Dalka iyo Degmooyinkiisa.

Waxaa iyadana wax lala yaabo ah inaan sheegano inaan Federaal nahay hadana aan faraha lagu hayn sharcigii hagayey Federaalka taasna waxa ay keentay jahawareer badan oo ku dhacay shacabka.Ilaahayow Adiga ayaan kaaga dacwooneynaa Siyaasiyiintii furtay Albaabka Shaydhaaniga ee Federaalka ee aan la awoodin hirgalintiisa.

Dhicana Haybadda.

Markii ay dhacday Dowladdi Dhexe waxaa lumay dhammaan Haybaddii dowladnimo waxa uuna Wadanku noqday Wadan ay iska maamushaan Dowladaha Dariska, marka ay rabaana soo galaaan marka ay rabaanna ka baxayaan Iyaga aan cidna weydiin,Waxaa sidoo kale haybad darada ka qeyb qaatay Hay’ado ay horboodayaan Shaqsiyaad Soomaali ah.

Waxaa Iyadana xusid mudan inaan sheegno Maamulada ka jira gudaha Wadanka oo caado ka dhigtay is garbayaac waxaana tusaale u ah Shirkii Qowmiyadaha Itoobiya ee lagu qabtay Magaalada Jigjigo, kaas oo ay soo qeyb galeen inta badan Maamulada ka jira Wadanka oo lagu daray Dowladda Federaalka halkii ay ahayd in ay Iyada kaliya meesha tagto.

Maadaama ay Dowladda Federaalku tahay dowlad rasmi ah,ayna sidoo kale ku jiraan dhamaan Qabaa’isha Soomaaliyeed,waxa ay ahayd in ay wax ka qabato is garbayaaco ay caadeysteen Maamul Goboleedyada ka jira Wadanka,laakiin nasiib daro waa ay ku guuldareystay,waxa ay qaaday wadadii ay qaadeen Dowladihii Iyada ka horeeyey.

Soomaaliya ma’ahan dalkii ugu horeeyey ee burbura sidoo kalena ma’ahan Dalka kaliya ay joogaan Ciidamo shisheeye,Waxa ay ahayd in ay Dowladdu ilaashato Haybaddeeda dowladnimo markasta xitaa hadii ay ku weyneyso Saaxiibo ku weyn,Sidee ku dhici kartaa in Dowladdu Maamulkii ay is qabtaanba Dalal kale kula soo heshiiso sida Maamulka Juba oo kale.Uma baahnin dowlad magac uyaal ah.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay waa in la helaa sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladd leh Haykal iyo Haybad dowladnimo si loo soo celiyo Sharafkii iyo Karaamadii uu lahaa Qofka Soomaaliga,Sidoo kalena aan isaga saarno dhammaan Ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa dariska ah.

Hadaba Waxa aan soo jeedinayaa talooyinka hoos ku qoran:

1-Waa in dib u eegis lagu sameeyaa Dastuurka Mahiga,lagana saaraa dhammaan qodobada ka horimaanayo diinta iyo danaha Umadda Soomaaliyeed.

2-Waa in la dhisaa Wasaarado leh dhammaan wixii ay Wasaaradi u baahneyd sidoo kalena Gobolada Dalka la geeyaa Wakiilo ka socda Wasaaradahaasi.

3-Waa in loo sameeya Af-hayeeno Wasaaaradaha Gaashaandhigga,Arimaha,Dibadda,Arimaha Gudaha iyo Boliiska si shaqada looga yareeyo Wasiirka.looma baahno Wasiir cheap ah oo Idaacad kasta taagan.

4-Waa in ay Dowladdu qorotaa Dhaliyarada kuwooda Aqoonta leh sidoo kalena tababartaa si looga maarmo Odoyaashaan sii gaboobayo e Xilalka ka haya Dowladda

5-Waa in ay Dowladda Federaalka cadaadis ku saartaa dhammaan Dalalka iyo Hay’adaha bixiya deeqda si ay Iyada u soo marsiiyaan deeqaha iyo Kaalamada ay siin Maamulada ka jira gudaha Wadanka.

6-Waa in Baarlamaanka la soo marsiiya Heshiis kasta oo ay Dowladdu soo gasho sidoo kalena la joojiyaa dhammaan Heshiisyadii ay soo galeen Maamulada Soomaaliland iyo Puntland inta ay Dowladda Dhexe ka hoos imaanayaan

7- Waa in la suurta galiyaa in Wasaarad kasta ay ku shaqeyso Xarunteedii hore sida uu Ra’isul Wasaarahuba sheegay Iyada oo lala kaashanayo Ganacsatada Soomaaliyeed.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online