Loolanka Fahad iyo guddiga FEIT – Maxaa dhici kara kadib go’aanka Maxkamadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga Qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa farriin adag oo diidmo ah kala kulmay garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, kaasoo la filayey inuu dhankiisa ka riixi doono in la guda galo dacwada kursiga HOP#086.

Fahad Yaasiin ayaa asbuucii hore qabsaday qareen dacwad ka gudbiya guddiga doorashada ee FEIT kaas oo kursigiisa ka reebay kuraastii la doortay ee Golaha Shacabka.

Fahad wuxuu aaminsanaa inuu dhinaca sharciga ku xoog badan yahay halkaasna uu kursigiisa fasax deg deg ah kasoo heli doono, laakiin waxaa muuqata in dhinaca ay is hayaan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inay shaqo adag ka qabteen dhanka garyaqaanka guud.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ee Soomaaliya oo Sabtidii qoraal u diray maxkamadda sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo uu hakiyey guddiga doorashada ee FEIT.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federal inay hakinta kursiga HOP#086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay fulinta doorashada.

Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciga guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in guddiga ay awoodiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka iyo xaqiijinta hannaanka doorashada.

Wuxuu xafiiska garyaqaanka guud diiday sheegashada guddiga doorashada HirShabelle ee ah in doorashada kursiga Fahad Yaasiin loo maray habraacii saxda ahaa. Halkaan waxaa laga fahmay in garyaqaanka guud uu si weyn uga fogyahay Villa Somalia.

Kooxda Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal badan ugu jirta in kursiga Fahad kor loo hayo illaa ay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha Shacabka.

Kooxda Fahad Yaasiin waxay sheegayaan inay garyaqaanka guud ka shakiyeen markii uu diiday inuu kusoo jawaabo labadii maalin ee maxkamaddu siisay.

Mar kale maxkamadda maalin dheeri ah ayey ugu dartay garyaqaanka misana laba asbuuc ayuu codsaday, balse wixii oo dhan ayuu markii dambe garyaqaanku dhinac isaga riixay Sabtidii.

Hadda wararka aan heleyno waxay sheegayaan kooxda Fahad Yaasiin inay xoogooda isugu geynayaan in maxkamaddu tallaabo qaado, ayada oo warar ay sheegayaan in kiiska loo fariisanayo 19-ka bisha oo ah Talaadada.

Xubnaha guddiga FEIT waxay mar hore sheegeen in kursiga HOP#086 lagu laaban doono doorashadiisa. Inkasoo ay sii daayeen Laba kamid ah Afartii kursi oo ay sheegeen in lagu wada laaban doon, haddana ma jiraan wax diidaya in kuraasta dhiman la fasaxo, laakiin caqabaddu waa inaan kursiga HOP#086 laga geli karin heshiis siyaasadeed oo ay Rooble iyo Fahad aad u kala fog yihiin.

Fahad iyo kooxdiisa hadda waxay xoogooda isugu geynayaan maxkamadda Sare, laakiin waxaa la ogeyn sida uu go’aanka maxkamadda u shaqeyn karo maadaama garyaqaankii guud ee Dowladda diiday in dacwad loo qaado go’aanka guddiga FEIT.

Sidoo kale guddiga doorashada ee FEIT iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is kaashanaya uma badna inay go’aan hal dhinac ah oo ay maxkamaddu gaarto inay u hoggaansami doonaan.