IRAN oo jawaab kulul ka bixisay kitaabka qur’aanka ee lagu gubay Sweden

Stockholm (Caasimada Online) – Muslimiinta ku nool dalka Sweden ayaa sii wada dibadbaxyo ka dhan ah Rasmus Paludan oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog Stram Kurs (Hard Line) kaasoo magaalooyin ka tirsan Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Dibadbaxyo ka dhashay falkaasi foosha xun ee xurma darada loogu geystay Kitaabka Qur’aanka ayaa ku faafayguud ahaan dalka Sweden, iyadoo mudaaharaadayaasha iyo booliska uu dhex maray isku dhacyo sababay in la dhaawaco toban booliska ka tirsan, lana gubo ilaa afar gaari oo booliska leeyihiin.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa jawaab kulul ka bixisay falkaasi, iyadoo u yeertay sii-hayaha safaaradda Sweden si ay u gaarsiiso dareenka jamhuuriyadda islaamiga ah iyo sida ay ugu xun yihiin tallaabada ay kitaabka qur’aanka kariimka ah ku gubeen koox midigta fog ka tirsan oo Swedish ah iyo Denmark, islamarkaana ay ku aflagaadeeyeen bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ergayga Sweden ayaa waxaa u yeeray axadii shalay Madaxa Xafiiska Saddexaad ee Galbeedka Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, isagoo muujiyay sida xooggan ee ay Iran uga cabaneyso xurma darada lagula kacay kitaabka barakeysan ee Islaamka oo uu wado hogaamiyaha koox midigta fog oo ay ilaalinayaan Booliska Sweden, isla markaana uu ku marmarsiyoonayo ee xoriyatul qawlka.

Rasmus Paludan oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta fog Stram Kurs (Hard Line) ayaa isku dayay in uu ku gubo kitaabka qur’aanka kariimka ah sabtidii meel ay ku badan yihiin muslimiinta, isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku gubay Kitaabka magaalooyin ay ka mid yihiin Linkoping, xaafada Rinkeby “Stockholm” ee Soomaalida degto, halkaasi oo Muslimiinta ay kala hortageen tuuryo.

Paludan oo ay wehliyaan ciidamo boolis ah ayaa mar kale tagay goob fagaare ah oo ku taal magaalada Linkoping ee koonfurta Sweden, waxaana la sheegay in ay dhigeen kitaabka quraanka kariimka ah ee Muslimka oo ay isku dayeen in ay dab qabadsiiyaan iyagoo iska indha tiraya dibadbaxyada uga imaanayay dadka daawanayay.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu gubay qur’aanka kariimka ah, isagoo xasuusiyay dowladda Sweden mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta iyo xurmada uu leeyahay Kitaabka quraanka.

Iran ayaa sidoo kale ugu baaqday Sweden in ay qaado tillaabo deg deg ah oo lagu soo afjarayo ceebeynta Qur’aanka Kariimka ah, loona damaanad qaado in falalkan oo kale aysan soo noqon doonin mustaqbalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaa ku dartay in aflagaadeynta iyo xurma darada lagu sameeyay Quraanka ay leeyihiin in ka badan laba bilyan oo muslimiinta caalamka ku nool iyo in la dhaawaco dareenkooda ay tahay xadgudubka ugu xun ee ka dhanka ah xorriyadda hadalka. Waxayna Iran ku eedeysay booliska in uu arrintaasi taageerayo.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliiska ayaa ku dhawaaqay in dibadbaxayaashu ay gubeen haamaha qashinka, bas iyo baabuur boolisku leeyahay, kadib shilal xiriir ah oo ka dhacay magaalada Malmo ee koonfurta dalkaasi iyo magaalooyinka kale.

Isku dhacyo kuwan la mid ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay bannaanbax looga soo horjeedo falkaas waxashnimada ah.

Maalintii sabtida ayey ahayd markii isku dhacyo ba’an ku dhex maray booliska iyo dad mudaaharaadayey meel ku taal bartamaha Sweden oo muslimiintu ku badan yihiin xili ay socdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo talaabadaasi.

Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa taageeray kooxda midigta fog gubay Qur’aanka Kariimka.

Jimcihii, sagaal askari oo booliis ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Orebro ee bartamaha Sweden.

Rabshado ka dhacay magaalada Linkoping ee bariga Sweden maalintii Khamiista, ayaa saddex askari oo boolis ah loo qaaday isbitaal. Labo qof ayaa lagu xiray mudaaharaadkaas.