Xog: Maalinka maxkamadda sare ay qaadeyso dacwada kiiska kursiga FAHAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan ay Maxkamadda Sare ee dalka qaadi doonto dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.

Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas.

Maadaama uu guddoomiye Baashe saaxiib dhow la yahay kooxda Villa Somalia, shaki badan lagama qabo in Maxkamadda Sare ay soo saari doonto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, hadii ay u fariisato kiiskaan.

Todoba maalmood ka hor Maxkamadda Sare ayaa soo saartay qoraal ay ku wargelisay Garyaqaanka guud ee dowladda inuu muddo laba maalmood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacwadeedkan laga soo gudbiyey guddida doorashada ee heer federaal.

Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey.

Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashada.

Sidoo kale Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa ku gacan sayray sheegashada guddiga doorashada HirShabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa.

Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa xoogga saraya sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoonka oo la qabanayo 27-ka bishaan.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey.