Ma la tashanayaa mase waa la kala tashanayaa?

Qorshooyin kala duwan oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada jubooyinka iyo lix gobol oo kale ayaa ka socda magaalooyin dalka Soomaaliya, waxaana markii aad u fiirato shirarka qaar ay u muuqdaan kuwo hal meel loogu wado jeedo, laakiin deegaanada lagu kala qabanayo iyo qaababka loo kala hadlayo.

Magaalada baydhaba waxa ka socda qorshe maamul loogu sameynayo lix gobol oo jubbooyinka ay ku jiraan kuwaasi oo la doonayo in lagu mideeyo lixdaasi gobol.

Sidoo kale magaalada Kismaayo waxaa ka socda qorshe maamul loogu sameynayo gobolada jubbuland la yiraahdo ,waxaana qorshahaasi wadda masuuliyiin dowlada ka tirsan iyo dadka deegaanka.

Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Suldaan,oo ka mid ah waxgaradka gobolka Baay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan qorshe maamul gaar ah loogu sameynayo lix gobol oo kala ah :-Baay,Bakool ,Shabeelaha Hoose,Jubbooyinka iyo Gedo.

Magaalada Baydhaba ee gobolka Baay ayuu sheegay inay dhigeen googol ay ku fakarayaan dadka maamul goboleedka u sameynaya gobolada jubooyinka.

Sido kale magaalada Kismaayo waxaa ku shiraya ergooyin badan oo qorshe maamul u sameyn ah waddo waxaana la doonayaa in maamulkaasi laga dhigo seddex gobol oo kala ah Jubbooyinka iyo Gedo.

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa ku sugan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD iyo gudiga maamulka u sameynaya gobolada Jubbooyinka.

Marka aad eegto halka loo wado socda oo ah maamul usameynta ,waxaa kuusoo baxayo in qof walbaa uu doonayo in qorshahiisa uu hirgeliyaa,waxaana la isweydiinayaa ma la tashanayaa mase waa lakala tashanayaa?