Madaxweyne Xasan oo arrin muhim ah kala hadlay Kibaki oo ay kulmeen

Addis Ababa (Caasimada Online) Madaxweyneha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan Addis Ababa ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Kenya Mwai Kibaki.

Labada madaxweyne ayaa ka hadlay arrimo badan oo u badan qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.

Markii uu kulanka dhammaaday ayaa waxa saxaafadda la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay isaga iyo madaxweyne Kibaki isla soo qaadeen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Waxa kaloo uu sheegay in madaxweynaha uu ka hadlay siddii loo illaalin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka oo uu ku billowday raaf baahsan.

Waxa kaloo uu sheegay in kulanka ay ku soo qaadeen hormarka xagga nabadda iyo xasiloonida ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsaday.

Madaxweynaha Kibaki ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto inay ka taageerto dowladda Soomaaliya si u soo ceshato xiriirkii ay la lahayd dadweynaha.

Labada madaxweyne ayaa ugu dambeyn isku raacay in dhammaadka sanadkan la qabto shir goboleed looga hadlayo dhibaatooyinka qaxootiga haysta.

Kenya ayaa dhawaan qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka waxa ay ku amrtay in ay ka baxaan magaalooyinka oo ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga.

Labada madaxweynaha ayaa ka mid ah madaxda ka qaybgaleysa shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika oo maalintii labaad ka socday Addis Ababa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Adds Ababa