Ma saxan yahay qorshaha laga damacsan yahay NISA ee garoonka Aadan Cadde?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa dhowaan ka dalbaday hay’adda NISA inay garoonka Muqdisho kala baxdo ciidanka ka joogo.

Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa markii dambe sheegay in amarkaas uusan khuseynin ciidanka hay’adda nabad sugidda ka tirsan ee ilaaliya baraha koontaroolka ee laga galo garoonka, balse uu taabanayo kaliya dhar cadka.

NISA ayaa xafiis ku leh garoonka gudihiisa, kaasoo ujeeddadiisu ay markii ugu horreysay ahayd in loo adeegsado howlaha amniga ee ay halkaas ka waddo hay’addu.

Hase yeeshee, eedeyn ay jeediyaan dadka qaar ayaa sheegeysa in saameynta NISA ee garoonka ay noqotay mid ka tallowsan howlaha amniga, taasi oo la sheegay inay sabab u noqotay go’aankii uu wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu amray taliyaha NISA, Yaasiin Cabdullaahi Fareey, inuu ciidamada NISA gebi ahaanba ka saaro garoonka.

Haddaba sax ma tahay in NISA laga wareejiyo amniga garoonka?

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah la-taliyihii hore ee dhinaca amniga u qaabilsanaa madaxweyne Farmaajo, ayaa wareysi uu siiyey BBC-da u sheegay in aysan khasab ahayn joogitaanka NISA ee garoonka, amnigiisana ay tahay shaqada booliska balse xafiiskooda uu ahaan karo mid ku yaalla meesha oo qaabilsan shaqooyinkii u cayinnaa sirdoonka.

“NISA xafiis way ku leeyihiin garoonka, xitaa haddii ay xilka wareejiyaan xafiis ku lahaanshuhu waa wax meesha ku jiri kara. Waa sax in booliska oo shaqada ku jira ay iyaguna kaabe u ahaadaan oo ay ka caawiyaan wixii xog ah oo ay hayaan,” ayuu yiri.

Xuseen ayaa sheegay xilli horeba uu qorshuhu ahaa sidii ciidanka booliska loogu wareejin lahaa amniga garoonka.

“Mar walba in laga maarmo ayay ahayd. Xilligii aan anigu shaqeynayay waxaan u arkayay sababta ay weli u joogeen inay ahayd go’aan ku xirnaa madaxda NISA oo diidayay inay gacantooda ka bixiyaan awood ay heysteen.”

Waxa uu carrabka ku dhuftay waxyaabaha ugu muhiimsan ee keeni kara in NISA ay aad u daneyso gacan ku heynta maamulka garoonka Aadan Cabdulle.

“Garoonkan waa meesha ugu xasaasisan ee dalku uu leeyahay. Waxa uu xarun u yahay safaaradihii ajaanibta oo dhan, waxa uu xarun u yahay saldhigga AMISOM, waa meesha dalka laga soo galo oo diyaaradaha ugu waaweyn ee caalamiga ah ay imaadaan.

“Waa meel doorashooyinkii lagu qabanayo oo ilaa madaxweyneyaasha lagu doorto, waa meel dadka siyaasadda is-diiddan kala aaminsan ay ka dhoofaan kana soo dagaan, oo la rabo in lagu caburiyo ama lagu fududeysto.

“Waa meel haddii aad yeelato awood aan xad lahayn aad soo degsan karto waxa aad rabto, haddey noqon lahayd waxyaabo sharci darro ah ama lacagaha doorashooyinka iyo wax walba,” ayuu yiri Xuseen Macallin Maxamuud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii