Cosoble oo fariin u diray Rooble, ka hor qorshaha lagu wajahayo Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda kacsanaanta ah ee haatan ka jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Cali Cosoble ayaa marka hore ka digay qorshaha socda ee ku aadan in Beledweyne laga wareejiyo doorashada Golaha Shacabka oo ay haatan ka taagan tahay dood xoogan.

Sidoo kale wuxuu farriin toos ah ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ugu baaqay in uusan uga sii darin xaaladda taagan, gaar ahaan tabashada reer Hiiraan.

“Raiisulwasare yaan lagugu indha sarcaadinin beenta iyo dulmiga lala wareegayo. Haddaad oggolaato in B/weyne laga wareejiyo doorashada ogow waxaad Hiiraan ka gashay godob taariikhda geli doonta,” ayii ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebookiisa Cali Cosoble.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo saraakiishii ka mid aheyd ciidamadii la magac baxay Badbaado Qaran ee isugu tagay magaalada B/weyne wexey leeyihiin hal ujeeddo in doorashada laga wareejiyo B/weyne oo la geeyo Jowhar. Si ay ugu suurto gashana wexey abaabulayaan rabshado ay ku kicinayaan shacabka magaalada,”.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dooda socota ee ah in doorashada lagu soo koobo hal deegaan doorasho, isaga oo ka horyimid qodobkaasi.

“Dib u socod dooni meyno. Hal degaan doorashana dooni meyno,” ayuu markale qoraalka ku yiri Cali Cosoble.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay kasii dartay xiisadda ka taagan degmada Beledweyne, waxaana sidoo kale gudaha magaalada Muqdsho ka socda shir looga hadlayo xaaladaha taagan iyo doorashada, kaas oo la filayo in laga soo saaro go’aano xasaasi ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii