Farmaajo iyo ROOBLE: Laba nin oo dagaashan ma isku wareeji karaan amniga dalka?

Muqdisho ( Caasimada Online) – Mid kamid ah doodaha ugu culus ee maalmahaan miiska saaran waa in Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu wareejiyo Amniga Dalka. Sida uu dhigayo qodobka 90-aad xarafkiisa B ee Dastuurka Soomaaliya, madaxweynuhu waa taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida.

11 bilood ayaa laga joogaa markii muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhammaaday Farmaajo, wuxuuna mudadaas dalka wajahay xiisado kala duwan.

Inkastoo uusan jirin qodob dastuuri ah oo sheegaya cidda lagu wareejinayo amniga haddii madaxweynaha waqtiga ka dhammaado, haddana waxaa jirta soo jeedin xoogeeda ka imaaneysa xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, kuwaas oo Rooble ku cadaadinaya inuu dalbado in amniga dalka lagu wareejiyo.

Farmaajo iyo Rooble hadda waa isku dhacsan yihiin, dhawaan Ra’isul wasaaruhu wuxuu ku amray  ciidanka inay isaga ka amar qaataan, soo jeedintaas iyo qodobka 90-aad xarafkiisa B ee dastuurka Soomaaliya, isma waafaqi karaan.

Labada Nin hadda xaalkooda waa kacsan yahay, haddaba dooda dhinacyada qaar ee ah Farmaajo amniga haku wareejiyo Rooble waxaa ka hor imaaneysa dooda ah laba Nin oo darirsan amniga ma isku wareejin karaan?

Sidee Farmaaj loogu qanci karaa nin aad dagaashan tihiin amniga ku wareeji? Haddii aad adiga isaga aamini weyso, sidee isagu kugu aaminayaa? iyo dood kale oo maangal ah ayaa ku hor gudban codsiga sheegaya in Farmaajo amniga ku wareejiyo Rooble.

Inkastoo Farmaajo dhowr jeer qaaday tallaabooyin Militari oo si weyn u dhaawacay dowladnimada Soomaaliya iyo shakhsiyadiisa, haddana waxaa muuqata in qodobka amni wareejintu uu wax walba ka culus yahay.

Labada Nin ee Farmaajo iyo Rooble labadaba ciidamo ayaa hadda ugu jira gudaha xarumahooda, wax aaminaad ah oo dhexdooda ah ma jiraan hadda, laba Nin oo sidaas ah amni iskuma wareejin karaan ee gacan sedexaad mala heli karaa ayey dad badan is waydiinayaan?.

AMISOM ayaa joogta Soomaaliya taasoo illaa sanadkii 2007 waardiye xooggan ka aheyd dowladnimada Soomaaliya, haddii ay dhinacyadu is aamini waayaan AMISOM waxay noqon kartaa dooq furan ayey talooyinka qaar sheegayaan, laakiin dhanka kooxda Farmaajo uma badna inay aqbalayaan inay ka tanaasulaan amar siinta ciidanka.

Sharci yaqaanada qaar waxay leeyihiin markii madaxweynaha la doorto waxaa ugu horeeya ee lagu wareejiyo waa amniga Dalka, sidaas darteed Farmaajo waxa ugu horeeyo  ee uu ku wareejin doono qofka badalayo waa amniga, wuxuuna ku qasban yahay inuu sugo illaa dhammaadka doorashada.

Muqdisho hadda waxaa ka socda shir u dhaxeeya Shanta maamul goboleed, Gobolka Banaadir iyo ra’isulwasaaraha, Rooble waxaa lagu cadaadinayaa inuu qodobka amniga ka dhigo mid kamid ah ajandayaasha kulanka, laakiin waxaa la fahamsan yahay inaysan maamulada qaar diyaar u aheyn in arrintaas laga dhigo ajande quseeya golaha.

Kal hore Farmaajo wuxuu amniga doorashada ku wareejiyey ra’isuwlasaaraha, laakiin ma wareejin amniga Dalka, Rooble waxaa u banaan inuu dhiso ciidan si gaar ah u suga amniga doorashada oo uu ka dhex sameysto ciidamada uuna u magacaabo taliye maadaama uu isaga madax yahay amniga doorashooyinka,

Wadamada reer Galbeedka ee cadaadiska badan saaraya maamulada iyo mira dhalka shirka wada-tashiga Qaran waxay xoojinayaan inaan wax badan la gelin qodobka kala wareega amniga, maadaama uu kaas noqon karo qodob adag oo dib usii dhiga kara guud ahaan doorashada.

Mucaaradka qaar waxay leeyihiin dalkaan doorasho kama dhici karto inta uu Farmaajo heysto hoggaanka ciidanka, lamana yaqaano sida la isku waafajin karo dooda mucaaradka iyo qodobada sharciga ah ee ku hor gudban cidda ammaanka Dalka mas’uulka ka ah illaa laga doorto madaxweyne cusub.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii