Al-Shabab iyo Daacish oo ku dagaalamay gobolka Bari

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Daacish oo Talaadadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay buuraha Cal-miskaad, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacado ah, una jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac, walow aan cadeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay labada dhinac ku kulmeen tog lagu magacaabo Il-cameyra oo ku yaalla Cal-miskaad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa weerarka qaaday dagaalyahanada Daacish, ka gadaal markii ay ka war heleen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay sahan ku tegeen halkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada dhaca dhanka buuraha ee gobolka Bari ee Puntland.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa labaduba waxay ku xoogan yihiin gobolkaasi, waxayna marar badan siyaabo kala duwan ugu dagaalameen halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii