Golaha Wadatashiga ma isku raaci karaan go’aan mid ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah Madaxa Hay’adda Cilmi baarista ee Hiraal ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran ee haatan ka socdo Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa hoos u dhigay rajada laga qabo inuu guuleysto shirkan, wuxuuna sababta ku sheegay in weli uu saameyn ku dhex leeyahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) , wuxuuna intaasi ku daray in ay madasha ku sugan yihiin madax goboleedyo uu sheegay inay ku metalayaan halkaasi.

Ninkan oo mar soo noqday la-taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in ay tahay in bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka ee ka qeyb-galaya shirka ay ka waaniyaan Qoor Qoor iyo Lafta Garee sida ay wax u wadaan.

“Rag isaga meesha ku metala ayaa jooga wax qarsoona ma’aha oo laba gobol oo hadda cadeystay inay garab taagan yihiin Galmudug iyo South West labada nin oo madaxweynayaasha ka ah bulshada ay maanta la kulmaayaan oo caalamka iyo bulshada Soomaalida dabcan waaan filayaa in waxaas laga waani doono,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shirka loo fadhiyo ee golaha wadatashiga qaran uu yahay fursaddii ugu dambeysay ee la heysto, isaga oo ugu baaqay madaxda shireysa inay soo saaraan wax ay ku wada qanci karaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Kulankan waxaa is leeyahay waa fursaddii ugu dambeysay wixii meeshaan ka dambeeyo Soomaaliya in lagu kala tago oo gacan ka hadalka uu xalaal noqdo ayey noqoneysaa marka inay sidaas u arkaan. Fursad dambe in aysan harin waana inay kasoo saaraan wax dadka ku qanci karaan,” ayuu markale waresiga uu VOA siiyey ku yiri Xuseen Macalin Maxamuud.

Shirka golaha wadatashiga qaran ee u socdo ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada iyo duqa Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana la filayaa inay maanta ku biiraan ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, si ay talooyinkooda ugu biiriyaan madasha.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay daaha doorashooyinka, waxayna dadka Soomaaliyeed ay isha ku hayaan waxa ka soo bixi shirka Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii