FIQI oo xog ka bixiyey dagaalkii Dhuusamareeb ee maanta iyo sida uu ku yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka deyriyey xaalada Galmudug, isagoo soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay dagaal maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan ciidanka Gor Gor ay weerareen saldhigga booliska ee magaalada, halkaas oo lagu xiray askari ka tirsanaa oo la soo qabtay isagoo cabsan, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhowr ah.

Fiqi ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan, waxuuna soo jeediyey in la iskula xisaabtamo dhacdadaas.

“Askari cabsan oo la xiray ayaa sababay iska-hor-imaad sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca 5 askari sida aan ku helayno Xogta ka imaanaysa magaalada DhuusaMareeb, waa dhacdo xanuun badan oo u baahan isla xisaabtan. Waxaan ciidamada kala duwan iyo taliyaashii da ugu baaqaynaa in ay Ilaaliyaan sumcadda ciidamada, kana fogaadan isku dhacyada dhexdooda ah,” ayuu Axmed Fiqi ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Galmudug waxa uu sheegay in maamulkaas uu wajahayo duruufo kala duwan oo ka dhashay hoggaan xumo, isagoo yiri, “Waxaa la joogaa waqtigii isbedel dhanka hogaaminta ah uu ka dhici lahaa Galmudug.”

“Galmudug, barlamaankii dhexdiisa Khilaaf ayaa ka taagan, ciidamada maalin cad ayay isku dagaalayaan magaalada caasimadda ah dhexdeeda, kooxda Argagixisada ah cabsi gelin badan ayay deegaamo badan ka wadaan, shalay waxaa la soo Bandhigayey dad kaluumaysato masaakiin Yemen ah oo Kooxo Bircad ah u afduuban meel Galmudug ka tirsan,” ayuu yiri Fiqi.

Qoraalka Axmed Macalin Fiqi ayaa intaas ku sii daray, in mar dhow la qaban doono shirweyn oo ay qaban-qaabinayaan xubno la magac baxay golaha badbaadada Galmudug.

“Waxaa soo xoogaysanaya in la joogo waqtigii isbedel dhanka hogaaminta ah uu ka dhici lahaa Galmudug, Lana wada Baadi Goobo lahaa hogaan danaha Galmudug ka shaqeeya, ayadoo shirkoodii koowaad ee qabanqaabada shalay ay yeesheen golaha Badbaadada Galmudug oo mar dhow qaban doona shirweynihiisii koowaad,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta gashay qalqal amni oo xoog leh, waxaa hakad galay ganacsigii iyo isku socodka bulshada, waxayna ciidamadu ku dhawaad laba saacadood ku dagaalamayeen bartamaha magaalada.

Ciidanka Gor Gor ee maanta weeraray saldhigga Dhuusamareeb waxaa laga qaaday Muqdisho markii ay Ahlu-Sunna qabsatay degmada Guriceel, balse waxaa looga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen booliska Dhuusamareeb, iyagoo is-rasaaseyn kadib dib ugu cararay xeryihii ay ka soo duulaan tageen.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb Gaashanle Maxamed Xasan Warsame oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in ciidanka Gor Gor ay saldhigga ku soo waarareen, kadib markii ay ka xireen askari cabsan, balse waxa uu ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Taliyaha