James Swan oo war kasoo saaray kulankii maanta ee Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa war ka soo saaray kulankii maanta ay wakiillada beesha caalamka la yeesheen golaha wadatashiga qaranka, kaas oo lagu gorfeeyey saxidda iyo dardar gelinta doorashada dalka.

James Swan ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid ahaa saaxiibada beesha caalamka ee maanta la kulmay madaxda Soomaalida, si taladooda ay ugu biiriyaan shirka.

“Ergeyga Gaarka ah ee James Swan ayaa ku faraxsanaa inuu ku biiro saaxiibada caalamiga ah ee maanta Muqdisho kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna ku dhiiri galiyay golaha inay dardar geliyaan, hannaanka doorashada Soomaaliya oo ay wanaajiyaan kalsoonida ay ku qabi karto dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey xafiiska James Swan.

Shirka golaha wadatashiga qaranka oo shalay Muqdisho ka furmay ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran iyo muranada xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka, waxaana maanta lagu casuumay wakiilada beesha caalamka oo taladooda ku biiriyey madaxda.

Qoraal uu xafiiska ra’iisul wasaaraha ka soo saaray kulankaas ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka, Ra’iisul wasaaraha waxaa go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.”

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa mar kale maanta la kulmay Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aadan doorashada, waxaana ka mid ahaa talooyinkii musharaxiinta in ammaanka dalka ay toos ula wareegto xukuumadda Rooble.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirka golaha wadatashiga qaranka, isla markaana laga soo saaro warmurtiyeed iyo jadwal doorasho oo kama dambeys ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii