Midowga Musharaxiinta oo soo saaray dalabyo xasaasi ah oo la xiriira doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goordhoweyd soo saaray qoddobo soo jeedin ah oo ay maanta la wadaageen Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib markii ay ka qeyb-galeen shirkii Madasha.

Golaha ayaa sii adkeeyay in la saxo habraaca dooashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo, dalkan degenaan iyo xasilooni u horseeda, ayada oo guddiyada doorashada loo madax-baneynayo howlaha doorashada.

Waxay dalbadeen in dib loogu laabto dhamaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay, lana buriyo go’aanadii ay gaareen guddigii xalinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay.

Waxa uu soo jeediyay Golaha Midowga Musharaxiinta in Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii Oday dhaqan, islamarkaana la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu bilaaban.

“Waa in odayga mas’uulka ka ah jufada kursiga leh ee ka tirsanaa 135-tii oday ama kuwii soo xulay baarlamaanka dowlad goboleedyada, hadba kii la isla qaato, oo la tashanaya odayaasha iyo waxgarada jufada hoose ee kursiga leh uu soo gudbiyo xubnaha kale ee afarta ah ee ka mid noqonaya guddiga soo xulista,” ayaa lagu yiri qoddobka labaad ee soo jeedinta Midowga Musharaxiinta.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in odayaasha dhaqanka oo kaashanaya nabadoonada iyo caaqilada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbaneeyo xulista ergooyinka, ayna noqoto kaalinta dowlad goboleedyada fududeynta iyo amniga doorashooyinka.

Waxay intaas kusii dareen in Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo federaal ay xaqiijiyeen ergada wax dooranaysa inay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

“Waa in ergada la diiwaan-geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo sadeex cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan musharaxiinta ku tartamaysa. Sidoo kale waa in ergada aan laga hor istaagin la kulanka musharaxiita kursiga ku tartamaysa.”

Ugu dambeyntiina waxay si adag u sheegen in shakhsina laga hor istaagin inuu kursiga beeshiisa u tartamo, islamarkaana meesha laga saaro malxiiska siyaasadeed, ayna fursad siman u helaan musharaxiinta kulanka iyo ka dhex ololeynta ergada kursiga.

Hoos ka aqriso qoraalka Midowga Musharaxiinta oo dhameystiran