Xukuumadda R/W Rooble oo gashay heshiis cusub oo ku kacaya 185 milyan oo dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum, oo ay si qoto dheer uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sii ballaarinta wada-shaqeynta labada dhinac, ayada oo lagu saxiixay heshiis wada-shaqeyn oo ku kacaya 185 milyan oo dollar, kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka Qaran ee taageerada dadka nugul ee Baxnaano.

WFP ayaa sidoo kale door fulin ka qaadaneysa mashruuca deg-dega ah ee taageerada qoysaska Ayaxu saameeyay, ayada oo xukuumaddana gacan ka siinaysa ka jawaabida abaarta.

“Waxaan hoosta ka xariignay sida ay Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay xaqiijinta mashaariicda Dawladda ay leedahay oo Baxnaano ugu horreeyo ee WFP fuliso, heshiis wada shaqayn oo aan wadajir u saxiixnay ayay arrintaa ku caddahay,” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta.

“Dadaalka ku aaddan in Dawladda ay fuliso mashaariicda taageerraya bulshada ayaa meel wanaagsan noo maraya, waxaana dhawaan la dhammaystiri doonaa nidaamka diiwaanka bulshada.”

Sidoo kale, Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum oo asaguna dhankiisa warbixin guud ka bixiyay mashaariicda ay hay’addu fulinayso sannadkan ee taageerraya bulshada, ayaa boggaadiyay wada shaqaynta wasaaradda ee WFP.

“Sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta Soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxaan ka wada-hadalnay wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.”

Si kastaba, kulanka maanta ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee ay yeeshan wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda iyo Wakiilka WFP oo howl-galka loo soo magacaabay dhamaadka sanadkii hore.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii