Maalinta la shaacinayo go’aanka kiiska Koofi, Cabdul, Saabey iyo mas’uuliyiin kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maalinta Sabtida ah ee soo socota go’aan ka gaari doonta kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay masuuliyiin ay ku jiraan Agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 14-kii May shaacisay inay soo gabagabeysay dhageysigii kiiskaan, iyadoo xiligaas balan-qaaday inay go’aan ka soo saari doonto.

Mar kale qoraalka maanta ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu mudeeyey maalinta lagu dhawaaqayo go’aanka, taas oo ah Sabtiga soo socda oo Jimcaha berri ay naga xigto.

Masuuliyiintaan ka soo shaqeysay hey’adaha dowladda ee musuqa loo heysto ayaa gaareysa 12 agaasime oo ka soo shaqeeyey hey’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Masuuliyiintaan ayaa loo heystaa xatooyo xoolo dadweyne, waxayna maxkamadeyntoodu socotay dhowr bilood, iyadoo lagu soo oogay kiisas musuq maasuq oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa 14-kii bishaan ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwadii loo heystay ragaas, isla markaana ay hadda dhiman tahay in go’aan laga soo gaaro.

Guddoomiye Saalax ayaa maalintaas sheegay in kiiska loo gudbiyey go’aan ka gaaris, isagoo sheegay inay shaaci doonaan go’aanka maxkamadda markii la gaaro, waxaana maanta la shaaciyey in Sabtiga 25-ka bishaan lagu dhawaaqi doono go’aanka.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.

Kiiskaan ayaa ku dheeraday maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii xeer ilaalinta iyo hantidhowrka qaranka ay eedeymo culus ku soo oogeen ragaan agaasimayaasha ka soo noqday xafiisyada qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, isla markaana la sheegay in la lunsaday malaayiin doolar.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay Sabtiga soo saari doonto maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo uu jiro tuhun iyo warar toos loo dhahay oo sheegayey in kiiskaan lagu sumcad dilayo masuuliyiinta loo heysto oo ay is hayaan rag xilal ka haya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka eeg qoraalka maxkamadda