Ciidan nooc cusub ah oo maanta tababar loogu soo xiray Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka kooban 70 askari.

Askartan ayaa kamid noqonaysa qeybta hab-maamuuska gaar ahaan ee Baanda Musikada Booliska Soomaaliyeed, sida uu shaaciyay taliska booliska.

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankaas ayaa waxaa goobjoog ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo saraakiil kale.

Ciidankan cusub ayaa muddo ku qaadanayay tababarka dugsiga Tababarka ciidanka booliska ee S/Guuto Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo ay maanta ka qabsoomtay munaasabadda loogu soo xirayay tababarka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay qeybihiisa kala duwan, ayada oo dhowrkii billood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo, loogana hortagayo falalka amni darro ee kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Si kastaba, ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo dowladda sheegtay inuu qorshuhu yahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda.