Golaha Ammaanka QM oo cunaqabateyn saaray madax Shabaab ah + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale liiska dadka lagu soo rogay cuna-qabateynta ku daray saddex hoggaamiye oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maal-gelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab

Bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka QM ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cuna-qabateynta ee hoos yimaada qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

“Al-Shabaab waa argagixiso rabshado badan oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka QM.

Horjoogayaashan ayaa waxaa lagu soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo weliba cuna-qabateyn ka dhan ah lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda.

Tallaabbadan ayaa la sheegay inay timid kaddib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay arrintan ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qeybo kamid ah dalka ka socda howl-gallo ka dhan ah kooxda oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee hubeysan, ayada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka.