Maamulada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ka hadlay isbaheysiga cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ka hadlay faa’idada maamuladooda ugu jirto isbaheysiga cusub ee dhawaan ka sameysmay magaalada Garowe.

Shirka ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa isbaheysi cusub ka dhex abuuray Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, waxaana markii ugu horeysay ka hadlay madaxda Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dan weyn ugu jiro maamulada isbaheysigaasi sameeyay.

“Waa iskaashi aan la suubsaneyno labada maamul, maadaama Puntland dad badan ay joogaan dad badan oo reer Koofur Galbeed ah, oo halkaasi ka shaqeysto, waxaana ka wada hadalnay inaan ka wada shaqeyno danaha maamulada aan masuulka ka nahay”.

“Shir muhiim ah ayuu ahaa, waxaan ku heshiinay hormarinta maamulada iyo federaaleynta iyo is dhaafsiga xogaha amaanka, waxaan ka wada hadalnay iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga Xogta”.ayuu yiri madaxweyne Lafta Gareen.

Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciiro oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Hirshabeelle ay kala saxiixatay Puntland sii deynta maxaabiis ku xiran magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, heshiiskaasi oo ku yimid isbaheysiga cusub.

“Madaxweynaha iyo Wasiirka amniga waxay kulan la qaateen madaxweyne Deni, waxay ka wada hadlayeen shacab kasoo jeeda Hirshabeelle oo ku xiran Boosaaso, waxaana la isla gartay in lasii daayo dhamaan dadka ku xiran”.ayuu yiri Daa’uud.

Isbaheysiga Cusub ee Hirshabeelle Puntland iyo Koofur Galbeed ayaa u muuqda mid la safan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com