Xukuumadihii Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo isbar-bar dhig lagu sameeyay (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo mida Madaxweyne Muuse Biixi.
Mustafe Shiine ayaa sheegay in Xukuumaddii Axmed Siilaanyo iyo xukuumadihii ka horeeyayba aysan jirin in ummaddu kaga cabato cadaalad daro iyo sad-bursiiyo qoys, sida tan maanta joogta ee Madaxweyne Muuse Biixi.
Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Xukuumadii Siilaanyo aysan jirin xariga xadhkaha goostay ee maraya in xildhibaanadii xasaanada lahaa xabsiga la dhigo, isagoona ka dhawaajiyey in Xukuumada Biixi ay ku kacday dastuur jebin bareer ah, wuxuuna yiri:
“Kulmiye markay ku jireen, Kulmiye muu xumayn,iyaguna may xumeen, intan uun baa jirtay ” sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha barakacayaasha xukuumadda Somaliland.
Cabdikiin xinif waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in kolkii ay KULMIYE ku jireen xubnihii Wadani u hadlay inay inta ay hadda ku dhaliilayaan xukuumadda ay jirtay oo ay wanaagsanayd inay markaa sheegaan.
Sida ka muuqata hadalka Xinif oon aniga shaqsiyan uu ka mid yahay dadka aan u ixtiraamaa in aanu dafirsanayn dhaliisha jirta ee ay xubnaha xisbiga Wadani ee xukuumaddii hore ee Siilaanyo ka tirsanaa ku ganayaan tan Muuse Biixi.
Keliya waxa dooda gudoomiyuhu u dhacaysaa inay siyaasiyiinta xisbiga Wadani ee mar ka tirsanaa Kulmiye ay iska aamusaan mar haddaanay dhaliishan ay hada arkayaan oo xiligaaba jirtay aanay sheegin.
Haddaba waxa ayaan darada jirtaaba ay tahay in Cabdikariin uu ka mid ahaa raggii tamar iyo tacab kaleba geliyay xukuumaddii Siilaanyo, sida uu tan Muuseba u geliyay, islamarkaana ka mid ahaa raggii ugu dhawaa uguna awooda badnaa xukuumaddaa,balse arrinka uu seegay ayaa ah laba qodob:-
*masuulka xilka hayaa haddii wax qaloocdaan ama ay dhaliil arkaan suuqa iyo warbaahinta midna kama sheegaan ee waxa ay la tagaan fagaarayaasha xukuumadeed ee lagaga hadli karo, laguna sixi karo, haddise uu lee yahay dhaliishaa iyo dhaliishaa ayaa jirtoo aanay goobaheedii kaga hadal waa dood kale.
*tan labaad anigaaba leh, dhaliisha maanta jirtaa may jirin xukuumaddii Siilaanyo, waxana aan ku sababaynayaa qodobada soo socda.
Xukuumaddii Siilaanyo iyo mid kastoo ka horeysay may jirin in ummaddu kaga cabato cadaalad daro iyo sadbursiiyo qoys, sida tan maanta joogtaa.
*Xukuumaddii Siilaanyo may jirin dhaliisha maanta taagan ee ah in xukuumaddu tahli kariweyday inay midayso shacabkeeda oo madaxweynuhu soo dhiso xukuumad u eg in ummaddu ka wada muuqato oo loo siman yahay.
*Xukuumadsii Siilaanyo ma jirin xadhigan xadhkaha goostay ee maraaya in xildhibaanadii xasaanada lahaa gudaha la dhigo.
* Xukuumaddii Siilaanyo ma jirin dastuur jebin badheedh ah oo uu weliba ku adkaysan jiray madaxweynuhu, isagoo inoo sheegaaya in sharcigu saraynaayo, tiiyoo ay jirto in golihii wakiilada iyo garsoorkiiba xadhig ay ku sheegeen mid baal marsan shacabka in uu weli dabada sii hayo hogaamiyaha dalku.
Waxa aan dood hore maqlaayay Maxamuud Xaashi oo leh qaabkii wada-hadaladii hore ay xukuumaddii hore u waday lagu sii wadi kari maayo.
Waxa hore loo yidhi “hal libaax arkaysaa ma godlatee”. Waxaan is weydiinayaa ma madaxweyne Muuse ayaa dhegihiisu jecel yihiin in khaladaadkiisa lagu difaaco is barbar dhiga xukuumaddii Siilaanyo iyo tiisa, mise siyaasiyiinta wakhtigan u hadla xukuumadda Muuse ayaan hay wax kale oo ay ku dufaacaan dhaliilaha shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaridka uga imanaaya xukuumadda?.
Jawaabta su’aashaa inta ehlu caqliga ah ee dood yaqaankaa baan u deynayaa”.
Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa