Yuusuf Garaad Cumar: Xitaa haddii Internet la joojiyo qishka ma joogsan doono

Muqdisho (Caasimada online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay go’aanki dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa joojinta Imtixaanaadka dugsiyada Sare ee sanadkaan.

Wuxuu marka hore ka hadlay imtixaanaadkii ay gali jireen xiliyadii hore ee dalka uu lahaa nidaamka dowladnimo ee aadka u wanaagsanaa.

Wuxuu sheegay in xitaa haddii la joojiyo adeegsiga Internetka aanu joogsaneyn in ardayda ay helaan Qishka.

Wuxuu qormadiisa Kooban uu ka hadlay saameynta baraha Bulshada iyo imtixaanaadka dowlada.

“Imtixaanka Fom Four waxaan ku galay Dugsiga Sare ee 15-ka May. Toddoba arday oo laba macallin ay ilaalaneyso ayuu Fasalkeygu ahaa.

Inta aan fasalka la gelin ayaa arday wuxuu iga codsaday in aan u diyaariyo qoraal aan uga warramayo Fatahaadda webiyada oo af Ingiriis ah.

Ardayga oo aan aqaannay inuusan waxbarashada ku wanaagsanayn oo aan su’aal aqoon ah i weydiin jirin, mowduuca uu doortay iyo xilliga intuba waa ay isu keey qaban waayeen.

Saacado yar ka dib markii la furay bakhshadihii imtixaanka, waxaan ka fekerayay sida aan uga jawaabi lahaa isla su’aashii uu yarku i weydiiyay oo imtixaanka iiga soo boodday.

Inkasta oo ardayda waxbarashada ku wanaagsan aan ku jiray, haddana aad iyo aad ayaan uga carooday, in ugu yaraan hal arday uu sii ogaa su’aal imtixaanka ka mid ah.

Social Media iyo Internet midna ma jirin.

F. G. Dadka qaar maaddaama ay fahmi waayeen, waxaan u jeedaa in Internetka oo la xannibaa aanuu qish joojineyn ee loo baahan yahay, macallimiin, maamul iyo kormeerayaal isku kalsoon, si adagna loola xisaabtamo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com