DF oo baaris ku billowday habkii imtixaanka loo xaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay baaritaan ku bilowdeen dadkii ka dambeeyay in banaanka uu yimaado imtixaanaadkii dugsiyadda Sare ee dalka.

Arday badan oo ka careysnaa go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalooyinka dalka, iyaga oo cadeeyay inaysan suurto gal aheyn in dib loogu celiyo imtixaan ay galeen lix maado kamid ah.

Wasiirka Waxbarashada ayaa caruurtiisa waxay ku nool dalka dibadiisa, iyadoo aysan arkin dhibaatada ardayda Soomaaliyeed ay wax ku bartaan, Waxayna helaan waxbarasho lacag la’aan ah, halka caruurta Soomaaliyeed ay lacagtooda wax ku bartaan, ayna usii dheertahay xernaanshaha waddooyinka.

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya ay baaritaan u bilaabeen dadka lagu tuhmayo inay falkaasi ka dambeeyeen.

Natiijada kasoo baxda baaritaanka ayuu sheegay inay dadweynaha la wadaagi doonaan, isaga oo sheegay in shaqsiyaad gaar ah oo lagu tuhmayo inay imtixaanka banaanka keeneen la baarayo.

Waxaa uu sheegay in Hay’ddaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayaan sidii loo heli lahaa Cidii dhibaatada geysatay oo ka mid ah dadkii ku howlanaa Imtixaanka dowladda iyo shaqaallaha Wasaaradda.

Go’aanka wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay lix kamid ah maadooyinka imtixaanaadka oo ardayda Soomaaliyeed ay galeen, ayaa badalay Shacuurta ardayda Soomaaliyeed oo xiligan Ramadaanka ah galayay.

Waxaa sidoo kale Wasiirka Waxbarashada xukuumadda uu u gafay waalidiinta Soomaaliyeed iyo caruurta waxbaranaysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com