Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo hal sabab uga aamusay shirkii Garowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wali ka hadlin shirkii fashilka ku soo dhamaaday ee ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Gobalka Nugaal.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garowe ku maqnaa muddo todobaad ah, waxaana hakad u galay dhamaan Shaqooyinka Qaranka ee iyaga ku xirnaa balse nasiib darrada jirto ayaa aheyd markii uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday Shirka oo ay indha ku haayeen Umadda Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa sugayay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha uu midkood ka hadlo Shirka iyo waxyaabihii sababay in uu fashil ku soo dhamaado, balse wali ma dhicin waxaana dad badan isweydiinayaan sababaha ay uga aamuseen madaxda Qaranka.

Dad badan oo ah siyaasiin iyo aqoon-yahaano ayaa aaminsan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay hal sabab uga aamuseen shirka taas oo ah.

Madaxda Qaranka waxay ku dhiiran waayeen in ay Shacabka Soomaaliyeed u sheegaan in shirkii lagu kala tagay sababteedana inta ugu badan ay iyagu leeyihiin. Dhamaan dhinacyadii Shirka ka hadlay ayaa cadeeyay in waxa la isku qabtay ay ugu weyneed heshiiskii Batroolka iyo Sharciga doorashooyinka, qaybsiga Kheyraadka iyo qodobo kale oo dhamaantood ka socon waayay dhinaca dowladda waana sababta keentay in aysan dadweynaha la wadaagin natiijada Shirka.

Dhowr qof oo ah aqoon-yahaano iyo siyaasiin uu kamid ah Xersi Iimaan ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Qaranka ay Shirkaas uga aamuseen hal sabab oo ah in iyaga ay wax ka socon waayeen sababta fashilka Shirkana ay mas’uuliyadeedana lahaayeen.

Shacabka Soomaaliyeed waxay qanaaco u arkaan oo ay dhowarayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu midkood la hadli doono dadweynaha islamarkaana uu faah faahin ka bixin doono dhibaatooyinkii shirka ka qabsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com