Maamulka G/Banaadir oo ka digay warar looga been abuurtay Cumar Filish

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar ayaa beeniyey warar uu sheegay inay been abuur yihiin oo lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha-bulshada.

Wararkaasi ayaa sida uu sheegay Saalax Dheere lagu sheegay in Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha uu ka hadlay Arrimo quseeyo shirarkii jiraa’id ee Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Arrimaha Kismaayo.

Afhayeenka Gobolka ayaa tilmaamay in aysan jirin wax faallo ah oo arrinkaas ku aaddan oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed uu ku soo bandhigay baraha-bulshada iyo saxaafadda.

“Warka been abuurka ah ee sacaadihii u danbeeyey lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhaliilay Xisbiga Himilo Qaran, isla markaana uu baaq u diray Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sida Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa kuwo muujinaya in tiro yar ay ku hawllan yihiin kala dilka iyo kala fogeynta masuuliyiinta dalka, taas oo looga golleeyahay dano shaqsiyadeed iyo caqabadeynta horumarka.”

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa digniin adag u diray cid kasta oo been abuur ka sameysay Maamulka iyo Howlaha Gobolka, iyadoona sharciga iyo xeerarka dalku ay ciqaab adag ka jideeyeen cid kasta oo falalkaas lagu helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com