DF oo u yeertay gudoomiyaha Gedo si loo fuliyo qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa u yeeray Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Maxamuud Muxumed iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka howlgala Gobalka Gedo.

Wafdigaan oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, ayaa lagala hadlay fulinta go’aano ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxtooyada, kuwaas oo la rabo in ay ka dhaqaan galaan Gedo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in go’aanadaas ay ku jiraan qodobadaan.

1) – In guddoomiyaha gobalka uu ku dhawaaqo xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaasha afar degmo oo kala ah, Luuq, Doolow, Ceelwaaq iyo Baardheere, kuwaas oo ah degmooyinka aadka looga taageero Axmed Madoobe kana tirsan Gedo.
2) – In taliyaal cusub iyo guddoomiyaha gobalka, ay hogaamiyaan howlgal ka bilaaban doono Gedo oo lagu imaan doono Jubbooyinka, waxaana lagu wareejin doonaa Ciidamo cusub oo tababar ka soo baxay iyo saanad ciidan.
3) – Iyo in aysan fulin, kana amar qaadan Axmed Madoobe, balse ay fuliyaan amarada ka soo baxa Madaxtooyada Soomaaliya si loo badbaadiyo dalka.

Wafdigaan ayaa la filayaa in ay deg deg ugu laabtaan Gedo, islamarkaana ay dhaqan geliyaan heshiiyo iyo amaro ka soo baxay Madaxtooyada oo dagaal culus kula jirto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Lama oga sida ay u dhaqan geli doonaan arrimahaan balse waxaa la filayaa in masuuliyiintaan ay wajahaan caqabado badan oo saameen balaaran degaanka ku yeesha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com