Maamulka G/Banaadir oo qaaday tallaabo jawaab u ah biyaha oo laga jartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in maamulka gobalka Banaadir uu billaabay qoditaanka Ceel-Biyood u gaar ah dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii dhowaan xarunta gobalka laga goostay biyihii.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qodista Ceel-kaan ay ka socoto Masaajidka Arbaca Rukun, oo ah meel u dhow xarunta gobalka waana Ceel Riig ah.

“Meel wanaagsan ayuu marayaa qodista ceelka waxaana isu xil saaray guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, iyadoo aysan xil weyn iska saarin kuwii ka horreeyay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo aan la hadalnay.

“Bishii ugu yaraan 20 kun ayaa lagu soo dalacaa gobalka, bilooyinka qaar waa is gaartaa, mararka qaarna maamullada ayaa isbadala waxaana dhib badan la kulma qolada ceelka, waxaan rabnaa in dhibkaas iyo qarashkaas badan laga baxo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka aan la hadalnay ee ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.

Ceel-biyoodkaan ay qodoneyso dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku soo aadayo iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay gobalka laga jartay biyaha iyo korontada.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in lacago badan oo is gaaray lagu yeeshay dowladda hoose ee Xamar, islamarkaana ay ka caga-jiideen bixinta lacagta, taas oo sababtay in adeegii Korontada laga jarto.

Lama oga maamulka gobalka go’aanka uu sidoo kale ka qaadan doono dhibaatooyinka ay ku qabaan korontada oo shirkadda bixisa ay ku soo dalacdo lacago badan oo kumanaan kun oo dollar ah bil kasta.