MUUSE BIIXI oo go’aan ka gaaray codsi cafis oo uga yimid Maxamed Cumar Carte

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray qoraal deg-deg ah oo uu go’aan kama dambeys ah uga gaarayo safarka la sheegay in Ra’iisal wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib uu ku tagayo magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay codsi uu usoo gudbiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ka tirsanaa xildhibaanada federaalka Soomaaliya, ka hor inta uusan dhawaan ka tagin xilkaasi.

Qoraalka madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inuu tixgeliyay codsi afar maalin ka hor ay usoo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu kasoo jeedo Qaalib, kuwaasi oo ay ku dalbanayaan inuu iman karo deeganada Somaliland.

“Markii uu arkay qoraalka talo bixinta ee Xeer ilaaliyaha Soomaaliland, Qoraalka wasaaradda Arrimaha Gudaha soomaaliland iyo Codsiga cafiska ah ee Odayaasha Dhaqanka soo gaasriiyeen 21-kii Bishaan in uu cafis u fidiyay Siyaasiga Maxamed Cumar Carte Qaalb,” ayaa lagu yiri qoraalka Biixi.

Muuse Biixi ayaa cafiska uu u fidiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib ku saleyay kadib markii sida la sheegay uu dib uga laabtay fikirkii hore ee Midnimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan.

Dhinaca kale, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa goordhoweyd kasoo degay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, sida ay saraakiil ka tirsan madaarku u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Maxamed ayaa lagu soo waramayaa inuu iska casilay golihii uu ka midka ahaa, kadib markii xukuumadda Somaliland ay shuruud uga dhigtay si uu ugu soo safro magaalada Hargeysa.

Wuxuuna cafiskaasi madaxweynuhu ku saleeyay kadib markii uu dib uga laabtay fikirkii hore ee Midnimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan.