Maamulka G/Banaadir oo qaaday tallaabo ka dhan ah banaan-baxa isku daygii afgambi ee 27-ka December

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta taabacsan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilaabay qorshe ka dhan ah abaabulka banaanbax ay Mucaaradka iyo garabka Rooble wadaan oo looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo sidoo kale Farmaajo si weyn ugu difaaca baraha bulshada

Cali Yare ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga caasimadda, kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaal.

Shirkan ayaa waxa uu Cali Yare kaga dhawaaqay in magaalada Muqdisho lagu qaban karin banaanbax aan fasax looga heysan maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo uu ku diidan yahay banaanbaxa mucaaridku soo abaabuleen ee looga soo horjeedo Farmaajo.

Dibadbaxan ayaa waxa lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku taariikheysan 13 January ee 2022-ka.

Waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan xukuumadda, maadama ay dhawaan si wada-jir ah u cambaareeyen isku-deygii afgmabi ee uu horkacayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta dibadbaxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo khilaafka Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii uu Farmaajo isku dayay in uu awood ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii