Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga oo la dilay

Cadakibir (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in dagaal culus oo galabta ka dhacay ciidanka xoogga dalka looga dilay saraakiil iyo askar, dagaalka ayaana caawa la iska soo gaaray.

Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga dalka G/Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil uu ku jiro Taliyihii howl-gelinta qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdulqaadir Gasaawe iyo askar kale ayaa caawa dhaawacyadooda la gaarsiiyey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa bilaawday garabta, kadib markii ay ciidamada iskaashanaya weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku suganaayeen.

Deegaanka caawa ma jirto cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay, Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa labada dhinac caawa ka jooga deegaanka Cadakibir.

Xogta aan ka heleyno dagaalkaas waxay sheegeynaa in caawa uu gurmad helay ciidankii galabta deegaankaas kula dagaalamay Al-Shabaab, sidoo kale khasaare xoog leh ayaa la sheegay inuu gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanka Cadakibir ayaa u dhaw deeganka Baxdo oo Jimcihii ay weerareen Al-Shabaab, halkaas dadka deegaanka ay kooxda uga laayeen maleeshiyaad badan, waxayan dadka reer Baxdo ku guuleysteen inay deegaanka ka xoreeyaan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii