Maxaa looga hadlay kulankii caawa ee R/W ROOBLE, Kheyre iyo Sheekh Shariif?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo  Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Rooble.

Qoraal kooban oo xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu ka soo saaray kulankaas waxaa lagu sheegay in looga hadlay hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif  Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta  heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulankaan oo Rooble la yeeshay xubnahaan ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii uu soo baxay war-saxaafadeedkii ay madaxda golaha wadatashiga qaranka ku shaaciyeen heshiiska cusub ee hanaanka loo saxayo doorashada.

Dhammaan xubnaha midowga musharaxiinta ayaa maanta la kulmay madaxda golaha wadatashiga qaranka, iyagoo ku biiriyey talooyinkooda ku aadan sixitaanka cabashooyinka doorashada golaha shacabka.

Midowga Musharaxiinta weli bayaan kama soo saarin waxa ay ka qabaan is-fahankii galabta ka soo baxay shirkii 7-da cisho Muqdisho uga socday R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, lamana oga sida ay uga falceli doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii