Maamulka Gobalka Banaadir oo sheegay in gacan la siin doono dadka guryahooda xoogga looga heesto.

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inuu maamulkiisa gacan siin doono dadka guryahooda xoogga looga heesto haddii ay la yimaadaan dukumeentiyo cadeenaya in ay iyaga lee yihiin.

Tarsan ayaa sidoo kale sheegay  haddii ay jiraan kooxo isku haleenaya qabiil oo guryo ama beero xoog  ku haysta kuwaasoo ay lee yihiin dad kale in arrintaas uu gacan ka geesan doono maamulkiisa.

Wuxuu kaloo ugu baaqay shaqsiyaadka xoogga  ku haysta hanti ay leeyihiin dad kale in ay iska wareejiyaan inta aan la horkeenin sharciga, isla markaana ay cafis waydiistaan sida uu hadalka u dhigay.

Tarsan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqanka gobolka Banaadir inay is cafiyaan ayna isku celiyaan hantiidii la kala dhacay 20-kii sano ee lagu jiray collaadda iyo nidaam darida.

Hadaka Tarsan ayaa yimid iyadoo ay maalmahan soo badanayaan dad sheegaya in guryo amah ama hanti kale oo ay lahaayeen ay xoog ku heestaan shaqsiyaad kale kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho