Warqado ay ku qoran yihiin digniino oo lagu arkay Marka

Marka (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka halkaas lagu arkay warqado digniin ah oo magaalada dhan lagu daadiyay.

Sida ay sheegayaan dadka magaalada, warqadaha ayaa ku qoran askarta dowladda inaysan wax ka iibin ciddii lagu arkana tallaabo laga qaadi doono.

Markii la arkay saaka warqadaha ay ku qoran yihiin digniinaha ayaa la sheegay in ganacsatada magaalada  la soo daristay cabsi ballaaran, taasoo keentay in aan waxbo laga iibin askarta dowladda.

Ma cadda cidda warqadaha ku daadiyay magaalada Marka iyo sababta ka dambeesa, waxana markii warkan la maqlay magaalada lagu soo daadiyay ciidamo badan.

Sidoo kale maamulka magaalada ayaa la filayaa in gordhow ay shir jaraa’id ku qabtaan magaalada iyagoona ka hadli doona arrinta maanta ka jirta magaalada.

Warqadaha ayaa la sheegay in magaalada lagu daadiyay habeenkii xaley, mana jirto cida ka hadashay arrinkan.

Dadka ku sugan suuqa Marka ayaa gacanta ku heesta warqadaha oo meel kasta lagu daadiyay gaar ahaan suuqyada iyo goobaha ganacsiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Marka