Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo shaacisay nooca tallaabada laga qaadi doono Askarigi lagu qabto kufsi.

Muqdisho ( Caasimada Online) Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Genaral Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay in askariga lagu qabto ama ay ku cadaadato in geestay fal kufsi ah goobta lagu dili doono.

Wuxu hadalkan ka jeediyay markii shaley degmada Afgooye lagu soo bandhigay rag lagu eedeeyay in ay geesteen falal kufsi oo ka tirsan ciidamada dowladda kuwaasoo lagu soo qabqabtay gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxu kaloo sheegay in howgalkii shaley lagu soo qabtay illaa labo nin ah oo lagu eedeeyay in ay geesteen falal kufsi ah.

“Kiisaska kufsiga oo kale cidii ay ku cadaato waa xukun dil ah, labadan nin waxa lagu soo eedeeyay falalkaas, marka ma ahan wax sahlan baaritaan ayaa lagu sameen doonaa gacanta ciidamada qalabka sida ayeyna ku jiraa illaa baaritaanka uu dhammaado lama fasixi doono” ayuu yiri Mungaab.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono askarta dowladda ee ku dhibaateeya dadka safarka waddada u dhexeesa Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kufsiga ku soo badanaya dalka ay dowladda tallaabo adag ka qaadi doonoto ciddii ay ku soo cadaato.

“Xukuumadda waxa ka go’an in il naxariis daro kula dhaqanto dadka burcadnimada iyo xatooyada kula dhaqaaqa dadka masaakiinta ee musaafarka ah, waxa kaloo xukuumada ka go’an in ay il gaar ah kula dhaqanto dadka caadeestay in ay kufsi iyo fara xumeyn kula dhaqaaqaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga.

Waxa ay arrimahan yimaadeen iyadoo inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye maalmahan ay ka immaanayeen warar sheegaya in askarta dowladda ay kufsi iyo dhac ay kula dhaqaaqaan dadka ku safra waddadaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho