Maamulka gobolka Banadir oo ka dul tagay askar ku lug lahaa fal horseeday in la…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeer uu galabta ku tagay mid ka mid ah baraha koontorool ee laga soo galo magaalada Muqdisho uu ku soo arkay askar lacago baad ah ka qaadaya dadka shacabka ah.

Mahad-Alle ayaa sheegay in socdaal uu ku tagay Isgoyska Ex koontorool Afgooye oo Bar koontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliska uu ku soo arkay askar aan heysan wax boono ah, isla markaana gadiid-leyda ka qaadaya lacago baad ah.

Isgoysa Ex koontorool Afgooye ayaa ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee lagu qaado canshuurta maamulka gobolka uga soo xaroota gaadiidleyda, sidoo kale waa goob lagu  baaro gaadiidka dhanka koonfureed soo gala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen ilaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee ku sugnaa bartaas koontorool, kuwaas oo lasoo qabtay iyagoo qaadaya lacag aan sharci aheyn, waxuuna Mahad-Alle warbaahinta u soo ban dhigay lacag badan oo shilin Soomaali ah, taas oo sida uu sheegay askarta la xiray ay si sharci darro ah uga qaadeen gaadiidleyda dhanka koonfureed ka soo gasha magaalada.

Mahad-Alle ayaa sidoo kale sheegay inay sharciga marsii doonaan askarta ay soo qabteen galabta ee shacabka ka aruursanayay lacagaha baada ah ee aan lagu qaadeyn boonadii ay ugu tala gashay dowladda hoose ee Xamar.

Ibraahim Mahad-Alle guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in xilliga ay soo qabanayeen ragaan uu kormeer ku tagay goobo badan oo ku kala yaala degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qaado canshuurta maamulka gobolka uga soo xaroota gaadiid-leyda Muqdisho.

Caaimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com