Maamulka gobolka Banaadir oo xilal cusub magacaabay maanta (Aqriso magacyada)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo kordhiyey xilal la sheegay inay noqonayaan agaasimeyaal kuwaasoo u shaqeynaya sida gacan-yareyaal ay leyihiin Guddoomiye ku xigeenada G/Banaadir.

Waxaa wareegto lagu magacaabay 4 Agaasimayaal Guud oo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye kuxigeenada G/Banaadir. Waxayna agaasimayaasha Guud ee la magacaabay waxaa ka mida: Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda oo loo magacaabay C/fataax Cali Xasan, kasoo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Tuulah.

Waxaa kaloo Agaasimaha Howlaha Guud loo magacaabay C/fataax Cumar Xalane oo hore u ahaa afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana laga qaaday xilka Afhayeen ee G/Banaadir, wuxuuna ka hoos ka shaqeyn doonaa Guddoomiye kuxigeenka ee howlaha guud Aadan Sheikh Cali Fidow oo muddooyinkan danbe go’doon ahaa, shaqooyinkiisiina lagala wareegay.

Waxaa la filayaa in la magacaabo Agaasimayaasha Guud ee Maamulka iyo Maamuliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada.

Agaasimayaasha Guud ee afarta ah ayaa waxaa hoostagi doona Agaasimayaasha waaxyaha dowladda hoose ee horay u hoos-tagi jiray Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir.

Agaasimeyaashan oo sida xogheyn u shaqeyn doona ayaan la ogeyn in guddoomiye ku xigeennada loo magacaabay ay raali ka yihiin ama lagala tashaday, waxayna u muuqdaan kuwo sii kordhinaya jahawareerkii ka jiray maamulka G/Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com