28.2 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Maamulka Puntland oo magacaabista Cumar Cabdirashiid war kasoo saaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland soo dhoweynayso go’aan walba oo maslaxadda dalku jirto islamarkaana looga gaashaamanayo is qabqabsi siyaasadeed oo ragaadiyada shaqada dowladda.

“Dawladda Puntland ee Soomaaliya iyadoo tix’galineysa isla markaana qadarineysa deganaanshaha dalka iyo siyaasada soomaaliya waxay marwalbana taageereysa qorshe walba oo ay ummada Soomaaliyeed uga baxayso jaahwareerka iyo Isqab’qabsiga siyaasadeed ee dib u dhaca ku ridey dhammaan hey’adihii Dawladda Soomaaliya , sidaa daraadeed waxay Dawladda Puntland si buuxda usoo dhaweyneysaa magacaabida Reysul’waaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/shiid Cali Sharmaarke” qoraalka ayaa sidaas lagu yiri.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland wuxuu markii ugu dambeysey ahaa safiirka dowladda Soomaaliya u fahiya Maraykanka, wuxuu sidoo kale horay ra’isal wasaare uga soo noqday dowladii ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News