DHAGEYSO: Universal TV: DFS ayaan u heesanaa dilka wariye Tima-Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka TV-ga Universal ayaa dowladda ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigaan kooxii dilay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray

Madaxa TV-ga bariga iyo bartamaha Afrika Cabdulaahi Xirsi Kulmiye, oo saxaafadda kula hadlay Isbitaal Madiinka oo lagu aasay marxuumka ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay siddii ay gacanta ku soo dhigi lahayd kooxda dishay wariyaha.

Wuxuu sheegay in maalin kasta aan loo joogi karin wariye la dilay kooxdii dishana lama yaqaano.

“Dowladda iyada masuul ka ah wariyaasha, waxaan ka rabnaa in ay gacanta ku soo dhigto cida dishay Tima-Cadde, waa ka xunahay nama qabaneyso dowladda tunka ayaan uga dhaganahay ilaa inta ay ka keeneyso ninka dilay wariyaha” ayuu yiri agaasimaha.

Sidoo kale, waxaa goobta lagu aasay marxuumka  ka hadlay mulkiilaha TV-ga Universal Eng Abuukar Axmed isagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka wariye Tima-Cadde, wuxuuna sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay gacanta ku soo bandhigto dadkii dilay wariyaha.

Ugu dambeen, wariye Cabdisalaan Herari oo isna hadlay ayaa sheegay Isbitaalka Madiina in uu noqday meelaha lagu aaso wariyaasha ilaa shan wariye oo kale ayaa horrey loogu aasay ayuu yiri.

Marxuum Tima-Cadde waa wariyihii 7-aad ee sannadkan lagu dilo Soomaaliya oo loo arko meelaha ugu khatarta badan ee caalamka lagu dhibaateeyo saxaafadda.

Halkaan ka Dhageyso Cabdisalaan Herari

Cabdulaahi Xersi

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com