Maamullada oo shir deg deg ah ku baaqay kaddib go’aankii DF Soomaaliya

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay inay shir degdeg isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo looga hadlo imtixaankii fashilmay ee shahaadiga dowladda Federaalka, kaasoo la joojiyey markii uu suuqa galay.

Wasiirka Waxbarashada maamulka Galmudug Axmed Deeq Cabdi Falko oo Magaalada Gaalkacyo kula halday warbaahinta ayaa sheegay in si wax looga qabto cabashada ka timid ardayda Soomaaliyeed ee ku saabsan imtixaankii fashilmay ee dowladda ay muhiim tahay inay kulan isugu yimaadaan Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya iyo Dowlada goboleedyada si loo badbaadiyo ayuu dhahay mustaqabalka 30 kun oo arday.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhaceen bannaanbaxyada ay sameeyeen ardayda dugsiyada Sare oo looga horjeedo go’aanka Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ardyda sanadkaan u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ay dhigeen dibad baxa ay kaga soo horjedan go’aanka wsiir Goodax.

Baaqaan ayaa kusoo aadayo xilli Maamulka Puntland uu horey u diiday inuu ka qeyb qaato Imtixaanka halka Hirshabelle ay shalay sheegtay inay dowladda ku fashilmatay qaadista Imtixaanka hadda wixii ka dambeeyana ay iyaga qaadan doonaan imtixaanka.

“Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado.

“Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com