Maandhow hays dilin anna hay dilin!

Tusmo iyo tusaale tixmaal baa lehe, Abwaan Guure oo dilalka Soomaaliya ka dhex dhacayay u soo kuur galay, si qota dheerna uga soo baaraan degay, ayaa su’aal  adag iska weydiiyay da’yartii dalka oo dabka ku hoobaneysa fal dhaqankooduna uu  noqday is moog ah ” iney is dilaan iyo iney wax dilaan un ” wuxuuna taa ka yiri:-

Wiilashan is dilaayee

Dilayaashu diraane

Wedka dila ku rarane

U dilaaya naftooda

Dad iney ku dilaan

Dilka maxey ka helaan?.

Daarihii jannada iyo

Haddii darajo aakhiro

Duulkani ku helayaan

Amiirradu mey is dilaan

Duhur mey is qarxiyaan

Ajir miyaanay dooneyn

Ilmaha xey u dagaayaan?.

Maandhow gacaliye wiilkan is dilaayow, waxa kula hadlaaya ee habeen iyo maalinba waanada iyo caqli celinta kula dul taagan, waa waalidkaa iyo walaalahaa, waa adeerradaa iyo abtiyaashaa, sukeeya iyo soomaalida oo dhan iyo guud ahaan inta islaamnimada ku abtirsata ee maandhow aan kuu duceynee ha is dilin annagana ha na dilin, ee qaado duruus waxbarasho si aad berrito dalkaada, dadkaada iyo diintaadaba u anfacdo!.

Madaxda sare ee dowladda iyo hey’adaha amniga iyo garsoorka waxaan ku boorrinayaa aadanuhu xeerar kala duwan buu ku dhaqmaa gundhigga kala saarkooduna waa sharciga oo qof walba ka sarreeya, sidaa darteed haddii qofkii qof dila  inta la soo qabto qisaas la marsiiyo, waa hubaal in ay nolol iyo nabadba ka soo baxayaan, waayo allaah ( SWT )ayaaba qur’aanka kariimka ah noogu sheegay oo leh “qisaasta nolol baa idiin kugu jirta” waana xalka kaliya ah ee lagu kala badbaadi karo laguna wada noolaan karo dowladnimaduna sidaa ayey ku jiri kartaa ee taasi si ay u fusho la imaada miisaan caddaaladeed iyo awood wax qabad oo karti iyo hufnaan leh.

Suura gal maaha had iyo jeer, iyada oo ay ciidamadii amniga meel walba taagan yihiin in la yiraahdo gacan ku dhiiglayaashii wax dilay wey baxsadeen!!. Macquul maaha xabsiga dhexe iyo maxkamadda dhexdooda in ay ka dhashaan dullaaliin denbiilayaasha fikiya iyaga oo xil qaran dusha ku wata!.

Abwaan Maxamed Warsame ( Taban taabo ) oo farta ku fiiqaya dhibaatada ka iman karta haddii aanan qisaasta la fulin, ayaa wuxuu leeyahay:-

Nin wax dilay haddii aan

La dilinoo leyska sii daayo

Waa inuu dilka sii wataa

Saa la dili waaye.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Garsoorka iyo caddaaladda, xabsiga dhexe iyo maxkamadaha iyo dhammaan inta ku howlan amniga guud idil ahaantoodba, waxaa la gudboon ” in ay yeeshaan feejignaan dheeri ah iyo xuuraansi war gal ah oo xumaha looga hor tagi karo inta uusan falka dhicin iyo qaabilaadda sharciga oo aan laga meer meerin.

Haddaba shaci dhowrayaashow ogaada qof wax dilay haddii aad sii deysaan dilku wuu sii badanayaa ugu danbeystana dilka iyo amni xumada abuurmeysa idinka ayey idin saameyneysaa ee dadka iyo dalka u hiilliya!!!.

Qofkii ruux kale dila

Haddaan la soo qabanin

Oon qisaas la marsiinin

Ma dhamaato qur gooyo

Qaranka wow luggooyo

Dadkana waw khasaaree

Hirgeliya qaanuunka. 

W/Q: Bashiir  Cali  Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan