Macawiisleyda iyo ciidamada DF oo dib ula wareegay deegaanka Yasooman

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyaadka Macawiisleyda ay maanta dib ula wareegeen deegaanka Yasooman oo dhaca bariga gobolkaaas ee bartamaha dalka.

Ciidamada huwanta oo qaaday howlgal culus ayaa Al-Shabaab dib ugala wareegasy deegaankan oo ka mid ahaa kuwii ay dhowaan soo baneeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay qayb ka ahaayeen diyaarado dagaal oo dhinaca cirka ah ka taageerayey ciidamada huwanta ee la wareegay gacan ku heynta Yasooman.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo horkacayey howlgalka ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, wuxuuna ballan qaaday in aysan markale ciidamada huwanta dib uga soo bixi doonin deegaankaas oo ah mid muhiim ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay amniga kala shaqeeyaan ciidamada dowladda, si looga hortego weerarada Al-Shabaab ay ka geysato halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shababa, kaas oo deegaano dhowr ah looga qabsadau kooxdaasi.

Si kastaba, howlgalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay qaraxyo ismiidaamin ah ay gilgileen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo geystay khasaare xoogleh.