Sanbaloolshe oo shaaciyey in reer Hiiraan aysan sii wadi karin dagaalka Al-Shabab

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka, isla-markaana kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolkaasi.

Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in aysan sii wadi karin dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay darameeyamaan culeyska in lagu fiirsaday dagaalka ay ku jiraan.

Xidlhibaanka ayaa sidoo kale farriin u diray qabaa’ilada kale, isaga oo ugu baaqay inay kala qayb qaataan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, si horey loogu sii wado.

”Walaalayaalow qolo gooni ah ayuu culeyska heystaa dagaalka kaligeena masii wadi karno mana ka bixi karno hadii aysan beelaha kale nagala qeyb qaadan” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii uu sii socdo kacdoonka in laga adkaan karo Shabaab, maadaama haatan laga qabsaday deegaano dhowr ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay u baahan yihiin hub iyo inay garab ka helaan dowladda dhexe.

Hiiraan ayaa noqotay xudunta kacdoonka ka billowday Al-Shabaab, waxaana gobolka laga dareemayaa culeys amni, kadib qaraxyadii gilgilay magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.