C/samad Liibaan Maxamed: Ardaygii Xamar ka qortay Al-Shabaab ee iska dhiibay Dhuusamareeb (Sawirro)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdisamad Liibaan Maxamed oo seddax sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb.

Ninkaan ayaa sheegay inuu dhibsaday nolosha adag iyo dhaqamada kooxda Al-Shabaab, kadib mudo uu ku jiray howdka gobolka Galgaduud.

Ninkaan ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa keydinta macluumaadka saldhigooda degmada Ceelbuur, wuxuuna kala soo goostay qori AK47 ah.

Isagoo arday ah oo dhigta dugsiga sare, ayuu sheegay inuu Muqdisho ka tegay, si kooxda Al-Shabaab uu ugu biiro.

Sidoo kale Cabdisamad wuxuu sheegay in meelo kala duwan lagu siiyey tababaro kala duwan oo ciidan, iyadoo markii dambena loo soo wareejiyey Galgaduud.

Ugu yaraan seddax sano oo kooxda uu ka barbar dagaalamaya hadda wuxuu sheegay inuu ku qanci waayey oo iskiis uu uga soo baxay, iskuna soo dhiibay dowladda.

Kooxda Al-Shabaab  ayaa waayahaan wajaheysa kacdoon shacab oo aad u culus, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay in deg deg ay u soo afjari doonto Al-Shabaab.