MADAALE oo sharaxaad ka bixiyay tallaabadii uu qaaday, wacadna ku maray in uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wacad ku maray in uusan aqbali doonin kalaabyada ka furan Muqdisho iyo anshax xumada taalla caasimadda.

Guddoomiye Madaale ayaa xalay hoggaaminayay howl-gal aan hore loogu baran maamulka gobolka, kaasi oo ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo gudoomiyaha uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasga gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Guddoomiye Madaale ayaa qoraal uu soo saaray kadib howl-galkii xalay waxa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka u rabaan xasilooni, horumar, bilic iyo dhaqan wanaagsan.

Sidaas darteeda aysan hadda kadib aqbali doonin waxkaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban.

“Waxaa mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbalka dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Laamaha amaanka ayaa howl-galkii xalay kadib uu faray inay albaabada isugu dhuftaan dhammaan goobaha kalaabyada ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna shaaca ka qaaday in aan la furi karin wixii haatan ka dambeeyo.

Si kastaba, Tallaabada uu qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay dadka reer Muqdisho oo guddoomiyaha ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday.