Daawo: Culimada Muqdisho oo war ka soo saartay ‘dadkii uu xalay uleeyey Madaale’

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo ku dhawaaqay inay soo dhaweynayaan tallaabadii uu xalay qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa xalay tegay goobaha lagu tunto ee ku yaalla xeebta Liido, isagoo uleeyey dhalinyaro uu halkaas ugu tegay, waxaana tallaabadaas ka dhalatay falcelin bogaadin ah oo xoog leh.

Sheekh Yuusuf Ceynte, Sheekh Cali Dheere iyo culimo kale oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiye Yuusuf Madaale waxay ku amaaneen go’aanka uu ku suulinayo munkarka.

“Xalay wixii dhacay oo guddoomiyaha gobolka uu sameeyey waa badbaado umadeed. Waa xaq in la suuliyo munkarka, culimadu waxay ayidsan tahay oo soo dhaweyneysaa tallaabadii uu xalay qaaday Guddoomiye Yuusuf Madaale,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte.

Ceynte ayaa farriin u diray dadka daroogada keena dalka, isagoo sheegay inay ka halis badan yihiin kuwa qarxiya bulshada, wuxuuna ugu nasteexeeyey inay ka waantoobaan baabi’inta ay ku wadaan dhaqanka suuban ee bulshadaan muslimiinta ah.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay tallaabadii xalay oo meel fiican laga bilaabay, umadda waa laga helayaa dad u istaaga inay suuliyaan munkarka, halkaas ka sii wada waan idin garab taaganahay,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, sidoo kale ka mid ahaa culimadii galabta garab istaaga u muujisay guddoomiyaha gobolka ayaa aad u amaanay go’aankaas.

“Sidii ushii Cumar Binu Khadaab ayey u heybad badneyd ushii uu xalay sitay guddoomiye Sheekh Yuusuf, waa mahadsan tahay guddoomiye, culimadu waa ku garab taagan tahay, bulshada dhana waa ku taageertay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa guddoomiyaha ka balan qaaday inay go’aanada lamidka ah kuwii xalay ay la fulinayaan, hadii uu u yeerto culimada, markii uu qaadayo mid lamid ah tallaabadii xalay.

Hoos ka daawo