MADAALE oo si weyn loogu weeraray go’aan uu shaaciyay

Muqdisho (Caasuimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa weerar culus oo dhanka baraha bulshada lagu qaaday kadib markii uu shalay ku dhawaaqay in mushaarka madaxda gobolka iyo shaqaalaha dowladda hoose bishaan ay ugu deeqeen dagaalka socda.

Madaale ayaa hadalkan shalay ka sheegay dibad-bax lagu taageerayay ciidamada Xoogga dalka oo ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan idiin balan-qaadayaa in mushaarka shaqaalaha gobolka Banaadir bishaan loogu deeqay ciidanka Xoogga dalka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta,” ayuu yiri Madaale.

Hadda sidee looga falceliyay go’aanka duqa magaalada Muqdsho?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada oo arrintan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa intoodabadan weerar ku qaaday Yuusuf Madaale.

Abdinuur Axmed oo kamid ah dadkaas ayaa yiri “Mushaar qof miskiin ah uu leeyahay in lagu tashado waa khalad haddii uu asaga raali ka aheyn”.

Xasan Nuur ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay go’aanka “Guddoomiyaha G.Banaadir waa nin u huray maskax iyo maal, waana wax lagu farxo in mushaarka qayb looga jaro”.

Fardawsa Jalwo ayaa iyaduna su’aal ka keentay tallaabada guddoomiyaha “Mudane Madaale shaqaalaha cod ma ka qaaday oo ma la hubaa in aan la afjigin”.

Cabdirashiid Muxudiin ayaa isguna sheegay in aan laga fiirsan go’aankan “Waxaa iiga muuqdo hadalka guddoomiyaha deg-deg iyo in uusan ka fiirsan go’aanka mushaaraadka shaqalaha gobolka Benaadir. Waxaa jiro duruufo badan oo ku gadaaman shaqalaha”.

Cabdi Maxamed ayaa isna tilmaamay in guddoomiyuhu aanu xaq u laheyn arrintan “Waa in ay dadka ka imaato maahinee go’aan uma gaartid”

Xasan Daacad ayaa isna arrintan uga falceliyay “Iska bixi mudane guddoomiye mushaarka masaakinta”.