Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa bixiyay xog ku aadan weerarada qaraxyada ah ee ay kooxda Al-Shabaab haatan ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Yuusuf Madaale ayaa sheegay inay jiraan dowladdo shisheeye iyo dad kale oo siyaabo kala duwan u taageera Al-Shabaab, isla-markaana loo baahan yahay in la’iska qabto.
Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaca ka qaaday in shaqsiyaadka Al-Shabaab u fududeeyo qaraxyada ay isugu jiraan shisheeye iyo ganacsato, sida uu hadalka u dhigay.
“Shisheeye ayaa ku jiro qaraxyada, miinada iyo waxyaabahaas oo dhan meelahaas ayaa looga soo waaridaa, kuwa jeebka ka taakuleynaayo ama maskaxda kala jiro ama u fududeynaayo waxyaabaha qaarkood sida madaxweynaha uu ku sheegay iyaga laftirkooda waa Al-Shabaab” ayuu ku yiri khudbad uu shalay jeediyay duqa magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan halganka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.
“Annaga jidka jihaadkaan ku jeednaa inaan isla jirno waan jeclaay” ayuu ku shirbay guddoomiye Yuusuf Madaale.
Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaalaha dowladda hoose ay bishaan musharkooda ugu deeqayaan Xoogga dalka.
Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynahooda, kuna taageeraan dagaalka Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay tuhuno xoogan looga muujiyay weerarada ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada, waxaana walaaca sii kordhiyay qaraxyadiika dhacay xarunta gobolka Banaadir iyo midkii u dambeeyay ee lagu qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad.