Dagaal culus oo ka socda deeganaka Daaru-Nicma

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma.

Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, ayna khasaare gaarsiiyeen.

Dhanka kale afhayeenka maamulka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, deegaankana ay haatan joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

“Daaru-nimca waa nabad waana la jabiyay Khawaarijtii weerarka kusoo qaaday. Ciidankeenna iyo Xoogaga dib u xoreynta deegaanka ayaa gacanta ku haya” ayuu yiri.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi.

Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi.