Madasha oo jawaab kulul ka bixisay ‘been abuur looga sameeyey’ Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada qaran ayaa si kulul uga jawaabtay been abuur ay sheegeen in looga sameeyay magaalada Dhuusamareeb, taasoo ah in guddiga farsamada doorashooyinka aysan wax wadatashi ah la sameyn.

Madashu waxay caddeysay Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee lagu dhisay Dhuusamareeb in uusan wax wadatashi ah la samayn Madasha, mana jiro kulan dhexmaray labada dhinac oo looga tashanayay arrimaha doorashooyinka.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Madasha waxaa sidoo kale lagu sheegay in Shirka Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad uusan u muuqan mid isku soo dhaweynaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxey ugu baaqeen masuuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee ku shiraya Dhuusamareeb iney qaddariyaan marxaladda dalka uu marayo, isla markaana u istaagaan xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee murugsan.

Madashu waxay ka digtay mudo kororsi ay sameystaan Golayaasha dowladda iyo in uu firaaq dastuuri ah ku yimaado hay’adaha sharci dajinta dalka.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA MADASHA