Jubaland oo DF ku eedeysay qaraxii ka dhacay B/Xaawo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubaland ahna ku simaha madaxweynaha Jubbaland (Maxamud Sayid Aadan) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay amni darada ka jirta gobolka Gedo.

Masuulkaan oo ka hadlayay qarax ka dhacay magaalada Baled-Xaawo halkaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay gabtay masuuliyadda dadka shacabka ah maadaama ay ciidamo badan halkaas ku daabuleen.

Sidoo kale qof walba oo ay waxyeelo kasoo gaartay ay masuuliyadeeda qaadaneyso dowladda Federaalka.

Masuuliyiinta waxey aaminsan yahiin in deegaanada Balad Xaawo, Luuq iyo Doolow intii ay gacanta ugu jireen maamulka Jubbaland ay aad amni u ahaayeen, balse ay gacanta ka baxeen tan iyo markii ay dowladda ciidamo geysay.