Maxey dowladda Shiinaha ka tiri xafiiska ay Taiwan ka furtay magaalada Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa markale si cad uga hortimid xiriirada diblumaasiyadeed ee Taiwan, iyada oo dhawaana heshiis iskaashi la gashay xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha, Zhao Lijian ayaa sheegay in Taiwan aysan aheyn waddan madax-banaan, oo xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah sameyn karta, xili ay xafiis ka furatay magaalada Hargeysa.

Zhao Lijian ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Beijing aysan marnaba aqbaleyn xiriir ay Taiwan la yeelato Somaliland, maadama uu ku doodayo inay ka tirsan tahay dhulweynaha Shiinaha.

“Dunida waxaa ka jirta hal China, Taiwan waxay si muqadas ah ay u tahay gobol kamida dhulweynaha Shiinaha. Aduunka wuxuu aqoonsan-yahay, isla markaana ku dhigan xeerarka caalamka ayna heshiis ku galeen Beesha Caalamka mabaa’di ku saleysan inay jirto kaliya hal China” ayuu yiri.

Lijian ayaa waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dadaalada Taiwan ee ku rabto inay ku kala goyso Shiinaha ay ku dambeyn doonaan fashil, maadama ay gebi ahaanba ka hor-imaneyso heshiisyada caalamiga ah.

“Isku day walab oo xisbiga dimuqraadiga ah ee Taiwan ku doonayo in uu ku kala qeybiyo China wuxuu kusoo dhamaan doonaa fashil” ayuu yiri Zhao Lijian.

Taiwan ayaa maalintii Isniintii si rasmi ah xafiis uga furatay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, iyada oo hore ugu magacowday wakiilkeeda xafiiskaasi oo qeyb ka ahaa heshiis iskaashi oo ay labada dhinac kala saxiixdeen horaantii sanadkan 2020.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa meel adag iska taagay Shiinaha, iyada oo la filayo in xiisada ka dhalatay xiriirkaasi ay markale soo labo kacleyso maadama ay Taiwan si rasmi ah xafiiskeedii uga furatay Hargeysa, iyada oo uu diidan yahay Shiinuhu.